Maamulka dalka Turkiga ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin in ay garteen ninkii weeraray kalaabka Istanbul.
Ninkaasi ayaa dilay 39 qof oo u dabaaldegayay sanadka cusub.
Maamulka ayaa u maleynaaya inuu ka yimi mid ka mid ah dalalka bartamaha Aasiya, oo ay wehliyeen xaaskiisa iyo laba cunug.
Wuxuuna Turkiga galay bishii November ee sanadkii dhammaaday.
Qoyskiisa ayaa la sheegayaa in marar badan la xiray.
Booliska dalka Turkiga ayaa wado howlgal joogto ah tan iyo Isniintaa, balse illaa iyo hadda ninkaas ayaa baxsad ah.
Waxay laamaha amniga ee dalkaasi baahiyeen muuqaal uu iska duubay ninka looga shakiyay inuu weerarkaasi qaaday.
Booliska dalka Turkiga ayaa howlgalo sameeyay waxayna xireen 12 qof, iyadoo weli uu socdo ugaarsiga ninkii qaaday weerarkii Istanbul ee 39-ka qof ay ku dhinteen.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus wuxuu sheegay in maamulka ay heleen faraha iyo akhbaarta aasaasiga ah ee ku saabsan ninkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay si degdeg ah kusoo qaban doonaan.


