Ahmed Abuu Al-Qeyd oo ah Xoghayha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay horumarka iyo guulaha laga gaaray Doorashadii ka dhacday dalka Soomaliya oo ay ku soo baxeen Xildhibnaanada cusub ee Barlamanka labada aqal ee Soomaaliya.
Xoghahaya Guud ee Jaamacadda Carabta wuxuu kaloo talaabo horumar ah ku tilmaamay furitaanka fadhiyda howlaha Xubnaha Baarlaanka cusub ee Soomaaliya, taas oo 31-kii bishii hore ee December 2016 ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Mohamed Cafiifii oo ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay Jaamacadda Carabta ay u aragto talaabo horumar ah oo geesinimo ah ee hore loo qaaday Siyaasadda iyo dimoqaradiyadda dalka Soomaaliya, taas oo uu ku sheegay inay ka tarjumayso masaalixda caamka ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo waliba midda xasiloonida guud ee dalka.
Afhayeenku ayaa daboolka ka qaaday inay Jaamacdda Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadato kormeerka doorashada Guddoonka sare ee Xubnaha Baarlamnka cusub ee Soomaaliya, ayna u oo diri doonto Soomaaliya wafdi sare oo indha indheeya hanaanka doorasho ee hogaanka Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha cusub ee Soomliya oo la filyo inay dhawan dalka ka dhacaan.


