Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.
C/wali Gaas iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale, waxaana uu ku sii jeedaa Magaalada Boosaaso.
C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu Magaalada Muqdisho u joogay arrimo khuseeya Doorashada Soomaaliya.
Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa laga dareemaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana aad loo adkeeyay amniga.


