DHAGEYSO WAREYSI: ku saabsan xaalada Degmada Tiyeeglow

Xaalada Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa saakay, waxaana maalinkii labaad gacanta ku haya Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kadib markii shalay ay la wareegeen.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa aroortii hore ee shalay waxa ay isaga baxeen Degmada Tiyeeglow, waxaana saacado kadib qabsaday Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Tiyeeglow Cali C/nuur Iimaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaan arimahaasi ka wareysanay.