kooxda Valencia ayaa lagu ganaaxay 1,500 euros oo u dhiganta (£ 1,340) ka dib markii dhalada biyo ah taageerayaasheeda kusoo tuureen ciyaartoyda Barcelona kulankii sabtidii ee La Liga.
Xiriirka kubada cagta Spain ayaa Valencia uga digay in laga mamnuuci doono taageerayaasha garoonka Mestalla Stadium haddii dhacdooyin la mid ah taas ay ku kacaan markale taageerayaashooda.
Dhalada lagu soo tuuray garoonka ayaa ku dhacday madaxa ciyaartooyda Barcelona oo kujiray dabaal daga goolkii guusha oo uu rigoore ku dhaliyay daqiiqadii 94aad Lionel Messi.
Luis Suarez iyo Neymar ayaa labadaba madaxa ay kaga dhaceen waxyaabaha ay soo tuureen taageerayaasha kooxda Valencia.


