Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed, Xoghayaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaliya Pro. Yaxye iyo Mas’uuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa Magaaladaasi shalay kulan kula qaatay Waxgaradka iyo Duubabka halkaasi u jooga shirka maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Shirkan ay shalay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Urur Goboleedka IGAD ay la qaateen Waxgaradka iyo Duubabka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shirkan mudada dheer qaatay.
Xoghayaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu furmay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxa uu sheegay in shirka uu u furmay si rasmi ah , islamarkaana waxgaradka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay joogaan Goobta uu ka furmay Shirka.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaanaan ka qeyb galeynin Shirka Jowhar sida uu horay u shaaciyay Ugaas Xasan oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan gobolka Hiiraan.


