DHAGEYSO: Shacabka reer Muqdisho oo ka u dabaal degaya Maalinta 1-aad eeCiidul Adxaa

Muqdisho-RisaalaFM- Guud ahaan Umada Islaamka oo ku kala sugan Dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu dabaaldegaya farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

kumanaan shacab ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa maanta Masaajidada waa weyn iyo Barxadaha waa waeyn isugu yimid, waxaana ay halkaasi ku tukadeen labada rakacadood ee salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdsho kadib markii salaada Ciid la tukaday ayay Idaacadda Risaala uga warameen farxadooda ku aadan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay udabaal degaan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, iyagoo sidoo kale Alle ka baryay in Ciidan Ciideeda kale Farxad iyo Barwaaqo uu Alle ku gaarsiiyo.