Daawo Sawirada Madaxda dalka oo shacab kula tukaday Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Raiisulwasaaraha dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari ,Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madax kale oo isku jira xildhibaano iyo wasiiro ayaa Maanta Salaada Ciida kula tukaday kumanaan qof Masjid Isbaheysiga Qaran ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa umada Soomaaliyeed u rajeeyay in ciidan ciideeda kale ay ku gaaran horumar iyo barwaaqo .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed ee alle wax siiyay in ay ka farxiyaan dadka aan wax haysan ee kunool dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan kalsooni , islamarkaana ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

 

img_5588 img_5575 img_5609 img_5609-1 img_5608 img_5605 img_5602 img_5601 img_5598 img_5595 img_5593 img_5590