Hillary Clinton oo istaagga ka dhacday

Musharaxa madaxweyne ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa waxa ku dhacay burakiito, ama oofwareen.

War qoraal ah oo la soo saaray kadib markii Clinton ay dhacday xilli ay munaasabad shacab ka qeybgaleysay ayaa arrintaasi lagu xusay.

Sawiro lagu baahiyay internetka waxa ay muujinayaan iyadoo caawiyaheeda uu kortaagan yahay.

Jilbaheeda suun ama xarig ayaa lagu xiray, waxaana lagu caawiyay gaarigeeda dhexdiisa.

Mrs Clinton ayaa markii dambe lagu arkay guriga gabadheeda, waxayna weriyayaasha u sheegtay inay “wanaagsan tahay”.

Dhaqtarkeeda, Lisa Bardack waxa ay sheegtay in Hillary Clinton ay xanuunkaasi qaaday Jimcihii.

 

Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump waxa uu kol hore soo bandhigay xaaladda caafimaadkeeda oo uu sheegay inuu liito.