Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku Wajahan Ballanballe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku wajahan degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu wado inuu ka furo shirar la xiriira dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kormeero xarumaha iyo saldhigyada hay’adaha amniga ee degmada, isagoo qiimeyn ku sameyn doona xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada dowladda.

Degmada Ballanballe waxaa haatan ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada iyo goobaha lagu qabanayo kulamada.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa la filayaa inuu soo afjaro wadahadallada dhinacyada deegaanka, iyadoo lagu wado in ugu dambeyn la gaaro heshiis rasmi ah oo la saxiixo.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxda dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo sare ay goobjoog ka noqdaan munaasabadda gabagabada shirka iyo saxiixa heshiiska, kaas oo lagu rajeynayo inuu horseedo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada deegaanka.