R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoogaainayo ayaa saaka gaaray degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhaweyay.

Sababta uu Ra’iisul wasaaruhu u tagay Ballanbal ayaa lagu sheegay in uu ka qayb galayo shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo beelaha wada dega Waqooyiga gobaolkaas Galgaduud.

Muddooyinkii la soo dhaafay gobolkaas waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay beelaha halkaa wada dega, iyadoo inta badan colaadda halkaasi ay salka ku hayso aanooyin qabiil.