DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Janaale

Ciidamada dowladda  Soomaaliya  ayaa maanta  la wareegay deegaanka Janaanle  Gobalka Shabelle hoose , halkaas oo ay horay Gacanta  ugu hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Bishii September ee sanadkii hore waxaa ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay halkaa ku leeyihiin,waxaana waxii ka dambeeyay halkaa gacanta ku dhigay ururka Al-shabaab , ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dhowr Jeer isku dayey qabsashada Janaale .

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Al-shabaab  iyaguna ay ku sugan yihiin meel  aan sidaas uga fageyn deegaanka Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose islamarkaana ay suurtagal tahay in ay weerar  ku soo qaadaan ciidamada qabsaday Janaale.

Gudoomiyaha deegaanka Janaale C/raxmaan Yuusuf Cabdi oo Idaacadda Risaala la hadlaya ayaa waxa uu sheegay in hada deegaanka Janaale ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Maalmihii udambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay howlagallo amniga lagu sugayo waxa ay ka wadey qaar ka tirsan gobolada dalka.