DHAGEYSO: Taliyaha ciidamada qeybta 21-aad ”askarta waa in ay helaan mushaarkooda”

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamda xooga dalka Soomaaliya Gen Cabd Fadaaco ayaa waxa uu kormeeray xerooyinka ciidamada dowlada ay ku leeyihiin magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka hortagayaan saraakiisha caadeystay in ay musuq maasuqaan mushaarka ciidamada ay qaataan.

Waxaana uu tilmaamay in askarta qaar mushaar ay helaan halka qaar kalana aysan helin xuquuqdooda.

Gen Cabd Fadaaco ayaa ciidamada waxa uu kula dardaarmay in ay soo gudbiyaan askarigii aan xuquuqdiisa helin.

Hadalka taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamda xooga dalka Soomaaliya Gen Cabd Fadaaco ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maanta uu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada, waxaana looga hadlayay sidii ciidamada ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.