DHAGEYSO: Taliska Asluubta oo faahfahiyay Ajnabi ku xiran xabsiga dhexe oo la dhaawacay

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa faahfaahin ka bixiyay dil kooxo maxaabiis ah ay qorsheeyeen in ay xabsiga ugu dhex geystaan Nin u dhashay UK oo dhawaan Ciidanka Ammaanka ay qabteen xilli la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageyn falka ninkaasi lagu dili rabay.

Waxaa la sheegay in horay ay Shabaab uga tirsanaayeen rag isku dayay in ay dileen ninkaan, waxaana ay wateen Sakiinado.

Falkaan ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana uu sheegay in Maxaabiista labada ah in horay  loogu maxkamadeeyay falal argagixiso waxaana lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah.

Thomas oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerar Sakiimo loo adeegsaday oo ay labbadaa Maxaabis kale ay ku qaadeen.