Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay hadal heynta doorashadda maamulka Jubbaland oo lagu waddo in ay dhacdo Bartamaha Sanadkaan.
Madaxweynaha waxaa uu beeniyay in uu doonaayo in uu sameysto Muddo kordhin , Maadaama uu waddo dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubadda Dhexe.
Waxaa uu sheegay inay sii waddi doonaan dagaalka Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka sidoo kalena doorashadda aysan marnaba dib u dhici doonin oo ay qabsoomi doonto waqtigii loo Asteeyay.
Bulshadda degaanada Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka si doorashadda ay ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay, islamarkaana uu kusoo baxo qofka ku haboon.



