Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shalay waxa ay heshiis ku kala saxiisdeen dalka Suudaan.
Waxaana heshiiskaas uu ahaa mid ay ku kala saxiixdeen sidii labada dowladood ay isaga taageeri lahaayeen xagga amaanka, iskaashiga, dhaqaalaha iyo waliba arimo kale.
Waxaana sidoo kale labada Madaxweyne ay ka heshiiyeenn hormarinta xagga waxbarashada, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu booqday arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Jaamacad ku taalla dalka Suudaan.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isku soo magac qaadeen xagga tahriibka xilli ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo marin u ah dalka Suudaan.
Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray dalka Suudaan, isagoo halkaasi kula kulmay madax ka tirsan dalka Suudaan.


