DHAGEYSO: Somaliland oo sheegtay in ay adkeeyeen ammaanka gobolka Sanaag

Maamulka Soomaliland ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee gobolada Sool iyo sidoo kale Sanaag oo ay dhawaan kula dagaalameen maamulka Puntland.

Maamulka Somaliland waxay sheegeen in sanaadiiqda codbixinta la geynaayo gobolada Sool iyo Sanaag ,islamarkaana ay ciidamo dheeraad geeyeen gobolka Sanaag ayna si buuxda gacanta ugu hayaan meelihii dhawaan lagu dagaalamay.

Taliyaha aaga Sanaag bari korneel Saalax xirsi oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay maamulka Puntland ay ka qabsadeen hub iyo sidoo kale gaadiid dagaal hadana ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay.