DHAGEYSO:- Shir loogu hadlayo Xasradaha Dalka Koofurta Sudan oo Maanta ka dhacaya Rwanda

Madaxda Dowladaha xubinta ka ah Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka shiraya xasradaha ka taagan Suudaanta koofureed.

Sidoo kale madaxda ayaa ka shiraya sidii go’aano loogu soo saari lahaa dagaalada iyo Colaadaha ka taagan Dalka Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale madaxda ayaa ka shiraya xaalada guud ee Soomaaliya sida arrimaha doorashooyinka, iyo amaanka dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladaha Xubinta ka ah Urur goboleedka IGAD ay ka xun yihiin dhibaatada ka taagan Suudaanta koofureed.

Waxa uu xusay in shir gaar ah ay ka yeelanaya madaxda sidii loo joojin lahaa Xasradaha ka taagan dalkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-