DHAGEYSO: Shir looga hadlayo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada oo ka furmay Maroco

Maroco-RisaalaFM- Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 22 dal oo ka mid ah wadamada Jaamacada Carabta ayaa waxa uu ka furmay dalka Maroco.

Ujeedka shirkan ayaa ah sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa iyo sidoo kale in la bilaabo Barnaamijyo lagu wacyi galinayo dhalinyarada.

Dhalinyarada shaqada loo abuurayo ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin wadmada uu bur burka ka jiro oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Gaba gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu cadeynayo qaabka shaqo loogu abuuri karo dhalinyarada.

Wixii ka dambeeyay markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradooda lagu sheegay 400 ay ku dhinteen bada udhaxeysa Masar iyo Talyaaniga ayaa waxaa soo badanayay shirar looga hadlayay sidii dhalinyarada Musaqbalkooda loo bad baadin lahaa.