DHAGEYSO: Midowga Africa oo mudo kordhin usameeyay ciidanka AMISOM

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ka socda Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxaa loo sameeyay muddo kordhin, kadib kulan ay isugu yimaadeen Midowga Africa.

Ciidamadan ayaa Soomaaliya waxa ay sii joogi doonaan ilaa laga gaaro 30 May 2017.

Ciidamadan ayaa lagu sheegay sababta muddo kordhinta loogu sameyay awooda Al-shabaab oo sii wiiqmeysa loona baahan yahay in la sii wado howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Midowga Africa ayaa sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen dhaqaalaha Midowga Yurub uu ka jartay AMISOM ee ah Boqolkiiba Labaatan, waxaana ay sheegeen in dhaqaalahaas ay muhiim u aheyd howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ee ka socda dowladaha dariska iyo dalal kaloo Africa ku yaalla ayaa waxa ay caawiyaan dowladda Soomaliya, iyagoo dagaalo kala kulma ururka Al-shabaab.