Berbera-RisaalaFM- Xuseen Aadan Cige oo ah wasiirka Ganacsiga iyo waliba Maalgashiga ee maamulka Soomaaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in uu kaga jawaabayo hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa heshiiskii Soomaaliland ay la gashay ganacsade udhashay isku tagga Imaaraadka Carabta oo lagu hormarinayo Dekadda magaalada Berbera.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka galin arimaha Soomaaliland iyo waliba maalgashiga Dekadda magaalada Berbera.
Waxa uu sheegay in Dekadda magaalada Berbera iyo waliba Ilaha kale ee dhaqaalaha uu go’aan ka gaari karo maamulka Soomaaliland.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo iyo waliba xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa dhowaan waxa ay tageen magaalada Dubai, waxaana ay halkaasi heshiis kula soo saxiixdeen maal qabeen udhashay Isku tagga Imaaraadka Carabta.


