DHAGEYSO: Shir Ganacsiga ku saabsan oo Nairobi lagu qabtay

Nairobi-RisaalaFM- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa faah faahin ka bixiyay shir looga hadlayay Maalgashiga Ganacsiga oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Hay’ado caalami ah, Maalqabeeno, Ganacsato Soomaaliyeed iyo xubno ka socday Bankiga lacagta aduunka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka kulankan uu ahaa sidii Ganacsatada Soomaaliyeed ay umaalgashan lahaayeen dalkooda.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in dhowr arin oo Ganacsatada Maalqabeenada ah ee dalka aan udhalan ka hor taagan sababta loo maalgashan la’yahay magaalada Muqdisho halkaasi lagu soo bandhigay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sidoo kale wax ka qaban doonto arintaasi.

Dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa imaanayay Ganacsato Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibadiisa iyo kuwo kale oo aan wadanka udhalan kuwaas oo wax badan ku soo kordhiyay Ganacsiga Soomaaliya.