Muqdisho-RisaalaFM- Dagaal udhaxeeayay ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanka ceelasha Biyaha oo ku yaala duleedka magaalada uqdisho.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana dagaalka uu socday mudo ku dhow Saddex saacadood.
Goobjooge ayaa Risaala usheegay in dagaalka uu bilowday fiidkii xalay Saacadu marka ay aheyd 07:30PM sidoo kalena uu soo gaba gaboobay saacadu marka ay aheyd 10:00 Habeenimo.
Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay hada mid degan oo isu socodkii Gaadiidka iyo dadka uu dib ubilowday.

