DHAGEYSO: Sheekh Shariif “Haloo midoobo sugitaanka Amniga”

Nairobi-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii habeen ka hor lagu qaaday Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Waxaana weerarkaasi ku geeryoodey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi udiray dadkii ku geeryooday weerarkaasi isagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in cid gaar ah aan lagu haleyn xaqiijinta amniga guud ee dalka, waxaana uu sheegay in qof kasta Mas’uuliyad ay ka saaran tahay sugida amniga guud ee dalka.

Habeen ka hor ayaa waxaa weerar lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho halkaas oo in ka badan 16 saacadood ay ku dagaalamayeen kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.