DHAGEYSO: Shacabka oo loogu baaqay in ay iska dhigaan Hubka

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inta shacabka Soomaaliyeed uu gacanta ku jiro Hub in aan la joojin karin dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaal fara badan oo ku aadan sidii loo sugi lahaa amaanka dalka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in Hubka gacantooda ku jira ay ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya si looga wada shaqeeyo amaanka guud ee dalka.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalintii Arbacada aheyd taariikhduna ku beegneyd 01-06-16 weerar lagu qaaday Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ay Al-shabaab Mas’uuliyadiisa sheegatay ku dhintay Mas’uulitiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.