Madaxa Xukuumadda maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu ka hadlay dilkii Mareykanka uu sheegay in uu u geystay hoggaamiyihii Daacish Abuubakar Al Baqdaadi.
Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay dhuusamareeb ayuu sheegay in Abuubakar Al Baqdaadi uu ahaa Cadaw,isla markaana isaga iyo Kooxda uu ka tirsanaa ay dad badan dhibaateeyeen waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in dilka hoggaamiyaha Daacish uu yahay faa’iido soo korortay,isla markaana uu ahaa Nin dadka uu dilaayo aan kala saareyn.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.



