DHAGEYSO: Shaqo Abuur loo sameynayo dhalinyaradda Soomaaliyeed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan ayaa sheegay in shaqo loo abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in laga faa’iideysanayo Xooga iyo Aqoonta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Ku Xigeenka ayaa sheegay in ay ka hortagayaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Tahriibka aadayo isla markaana badaha ku dhamaanayo.

Waxa uu sheegay in shaqooyin ay ku farxaan iyo mushaar ku filan la siin doono isla markaana Dowladda Soomaaliya ay xooga saareyso shaqo abuurka Dhalinyarada.