DHAGEYSO: Dowladda oo mideynaysa Canshuuraha

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ka shaqeyneyso mideynta lacagaha Canshuurta ee laga qaado Ganacsatada dekeda Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Cadaalad ay heli lahaayeen dhamaan ganacsatada Dekeda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagaha dalka ka baxaya iyo kuwa soo galayo in ay muhiim tahay in la mideeyo oo dekedaha gobolada Dalka iyo Muqdisho ay isku mid noqdaan.

Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada ayna ku balameen ganacsatadii uu la kulmay in shir weyne la qabto sida uu sheegay Wasiirka Maaliyada.

Wasaarada Maaliyada ayaa wada qorshayaal laguhormarinayo dhaqaalaha Dalka, waxaana dhawaan ay Maamul Cusub u Magacowday Dekeda Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Canshuuraha.