Kismaayo-RisaalaFM- Gudoomiyaha magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Timacade ayaa shacabka degan hareeraha xeebta magaalada Kismaayo waxa uu ugu digay Qatarta ka dhalan karta biyaha xeebta magaalada Kismaayo marka ay soo faktaan.
Waxa uu sheegay gudoomiyaha in dhowaan ay soo fakatay xeebta Kismaayo oo guryo badan ay khasaaro gaarsiisay.
Ibraahim Maxamed Timacade ayaa dadka reer Kismaayo gaar ahaan kuwa ka akdhow xeebta Kismaayo ugu baaqay in aysan udhowaan xeebta maadaama xoogan yihiin mowjadaheeda.
Dhowaan ayay aheyd markii mowjado xoogan lagu arkay xeebta magaalada Kismaayo, iyadoo ay saameyn ku yeelatay dadka degan hareeraha xeebta.


