Muqdisho-RisaalaFM- Isaga oo ka hadlayay xaflad lagu daah furayay qaadashada kaarka muwaadinka ayuu taliyaha ciidanka boliiska qeybta gobolka Banaadir Cali Xirsi Bare Cali Gaab waxa uu si cad usheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii isku dayda in ay si cad udiido qaadashada kaarka aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed.
Cali Gaab waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in qof waliba uu qaato kaarka si loo aqoonsado, cidii ka soo horjeesatana boliiska ay diyaar uyihiin in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada qorshe ku aadan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool ay qaataan kaarka aqoonsiga si loo ogaado.


