Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay xarunta Fiisha Taraafiko

Muqdisho-RisaalaFM- Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saakay lagu qaaday xarunta Fiisha Taraafiko ee degmada Shangaani.

Baraha ay wararkooda ku baahiyaan Al-shabaab ayay ku qoreen in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay xarunta ciidamada ilaalada wadooyinka, waxaana weerarka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana weerarkan loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegay in khasaare ugeysteen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Al-shabaab ayaa waxa ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda iyo dowladaha garabka siiya dowladda Soomaaliya.