DHAGEYSO: Shacabka Gaalkacyo oo baaq loo diray

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay iney ka shaqeeyaan hormarinta iyo nabad galyada Magaaladaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Magaalada Gaalkacyo loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo mideyn lahaa siyaasiyiinta iyo shacabka gobolka Mudug eek u kala aragti duwan dhinaca Siyaasada.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay u baahan yihiin iney arkaan Magaalada Gaalkacyo oo leh hal maamul iyo shacabkeeda oo mideysan.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo.