Gudoomiyaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay idaacada Risaala ee magalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka kunool degmada Aadan-Yabaal in ay kusoo wargelinyaan hadii ay arkaan shaqsi ka tirsan Shabaab.
Waxa uu sheegay in Shabaab laga nadiifiyey degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeelaha ,islamarkaana amniga magalaada laysku haleyn karo shabaabna laga nadiifiyey.
Waxa uu intaa ku daray in sidoo kale Maamulka dagmada Aadan yabaal uu kaalmo gaarsiindoono dadka ku nool gudaha dagmadaas oo hada ay heysato xaalad adag.
Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa ka jira isjii jiid ku aadan dhinaca gacan ku heynta taas oo u dhaxeysa ciidanka dolwadda Somaaliya iyo kuwa Al-shabaab.