DHAGEYSO: Madexweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran

Madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madexweyne ku ansixiyey hishiiskii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Go’aankasi gaaray ka dib markii Baarlamaanka uu Xal keeni waayay islamarkaana Waqtiga haray uu yahay mid aad u Kooban.

Shirka Jaraa’id oo u qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo waqtiga doorashada,sidaas darteedna uu xeer madaxweyne ku ansixiyey hishiiskii go’aan rasmi ah laga gaaray .

Waxa kale uu sheegay Madaxweyne Xasan in Doorashada ay dhaceyso waqtigeeda ayna u dhici doonto sidii loogu talo galay.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Baarlamaanka Somaliya kulankoodi dib loo dhigay, iyadoo la filaayo in xubnaha Baarlamaanka dalka ay ka doodaan Heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran.