Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay u fadhiisatay eedeyn loo heystay rag lala xiriirinayo inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Ragga Maxkamada lasoo taagay ayaa gaaraya laba ruux, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ku eedeysay in ay dilal ka geysteen Magalada Baladweyne, iyada oo isla maanta xukun lagu riday.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ee Gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan ayaa sheegay in edeysanaha koobaad ee Maxamed Nuur Aadan uu ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana la soo qabtay, isaga oo ku hubeysan Bustoolad, isla markaana lagu xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Sidoo kale Maxkamada ayaa waxaa la horkeenay eedeysanaha labaad oo lagu Magacaabo Liiban Muxumed Cabdi gureey, kaas oo Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida ku edeeyey in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, hayeeshee dood dheer kadib iyo markii cadeyn loo waayay Maxkamadu ay siideysay.
Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ee Gobolka Hiiraan.



