DHAGEYSO: Qaraxyo lagu qabtay degmada Beledxaawo

Beledxaawo-RisaalaFM- C/rashiid Xasan C/laahi Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amniga maamulkaas ay howlgallo ka sameeyeen degmada Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo ay ku soo qabteen qaraxyo la doonayay in Beledxaawo laga geysto sida uu sheegay wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen qaraxyadaas oo la doonaya in magaalada laga fuliyo.

Wasiir ku xigeenka amniga maamulka JubbalandC/rashiid Xasan C/laahi ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay sii wadi doonaan howlagalla amniga lagu xaqiijinayo.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada maamulka Jubbaland ay howlagallo ka sameeyeen degmada Beledxaawo, waxaana ay ku soo qabteen qaraxyo la doonayay in magaalada laga geysto.