DHAGEYSO: Puntland “waxaan magacawnay guddi ka hortagaya Al-shabaab”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu magacaabay guddi gaar ah oo ka tirsan Golayaasha Puntland, gaar ahaana Wasaaradda arimaha gudaha, Amniga & Taliyaasha ciidamada, kuwaas oo si dhaw ula socon doono dhaq dhaqaaqyada Al-shabaab ay ka wadaan gudaha iyo duleedka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa guddigan u magacaabay in ay si deg deg ah usoo qiimeeyeen dagaaladii ciidamada Puntland ay la galeen ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Ilaalada Xeebaha ay waardiye ka qabtaan xeebaha deegaanadii ay ka soo dageen Al-shabaab.

Afhayeenka Madaxweynaha maamulka Puntland Quraanjecel ayaa sheegay in ay guddigan wax badan la socon doonaan amaanka guud ee deegaanada Puntland.

Dhowaan ayay markii ciidamada maamulka Puntland ay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula galeen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.