DHAGEYSO: Puntland “waan ka feejiganahay weerarada Al-shabaab”

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay Talis ciidan oo waaweyn ay ka sameyn doonaan deegaanka Garacad.

Waxaana uu sheegay in ay isaga difaacayaan kooxihii hada ka hor weerarka ka geystay halkaasi.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in ay ka digtoonyihiin weeraro dambe oo laga geysto deegaanada Puntland.

Hadalka gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weeraro ka geysteen deegaano ka tirsan Puntland.