Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay Talis ciidan oo waaweyn ay ka sameeyeen deegaanka Garacad.
Waxaana uu sheegay in ay isaga difaacayaan kooxihii hada ka hor weerarka ka geystay halkaasi.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay ciidamada Garacad la geeyay in yihiin ciidamada maamulka Puntland oo aysan ku jirin ajaanib.


