DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay Qaraxyada lagu qabtay Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa Koontaroolka laga galo Magaaladaasi waxa ay ku qabteen Gaari siday Khudaar, kaasi oo lagu soo dhex qariyay waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha amaniga magaalada Boosaaso oo saxaafada u soo bandhigay waxyaabahaasi Qarxa oo Ciidanka ay qabteen ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa ay tahay in lagu qarxiyo magaalada Boosaaso.

Laamaha ammaanka magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen inay ku qabteen gaariga siday khudaarta ee qaraxyada laga soo buuxiyay.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin Xuseen Yuusuf oo u waramay saxaafada ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay qabteen ee Qaraxa ah waxa ay isugu jireen.

Sawirro ay soo bandhigeen laamaha ammaanka Puntland ayaa muujinaayay Qaraxyada iyo sidoo kale qalabka loo yaqaan (Phoneye) ee adeega Isgaarsiinta ciidanka ku kala war qaataan.