Wasiirka wasaarada amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaaladii maal mihii la soo dhafaay dhex maray ciidanka liyuu boolis iyo dad xoolo dhataa oo ku sugnaa deegaanka Dac-dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wasiir Qarjab ayaa sheegay in maamulka Puntland aysan ku lug laheyn dagaalkaas ka dhacay gobolka Galgaduud.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale wuxuu xusay inay Galmudug iyo ciidamada dagaalku uu ka dhexeeyo hadalo ay isdhaafsadeen Puntland ku eedeeyeen Galmudug midaas oo ay u arkaan hadal aan laga fiirsan.



