Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland kadib safari uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Itoobiya ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee deegaan xeebeedyada Puntland ay ciidamada Puntland kula galeen ururka Al-shabaab ee dhowaan gaaray.
Gaas ayaa sheegay in dagaalka ay Puntland kula jirto ururka Al-shabaab waligeed ay kali ku ahayd sida uu hadalka u yiri.
Waxaana uu sheegay in Puntland ay beesha caalamka ay ka dalbaneyso in qeybta ay ka leedahay laga siyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo.
Ciidamada Puntland ayaa dagaal dhowr ah waxa ay kula jiraan ururka Al-shabaab kaasi oo ka furan dhowr furumood oo ku yaala Mudug iyo Nugaal.
Waxaana dagaaladii ugu dambeeyay la sheegay in khasaare uu soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamayay.


