Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xassan Soo cadde ayaa maanta ka warbixiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee maamulka Puntland ay ururka Alshabaab kula galeen deegaan xeebeedyo gobolada Nugaal iyo Mudug ka tirsan.
Wasiirku waxaa uu sharaxayaa xaaladihii ugu dambeeyay, tirada khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaray Alshabaab, iyo Maxaabiista hadda gacanta lagu hayo.
Waxaana uu sheegay in ay soo afjareen ciidamada maamulka Puntland dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay deegaanada Puntland.


