Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka ka dhacay maanta caasimadda Brussels ee dalka Belgium.
“Waxaan tacsi u direynaa qoysaska,saaxiibada iyo kalgacalka dhammaan dhibanayaasha rayidka ah ee uu saameeyay falkaasi murugada leh ee sharta ahaa”
“Weerarada argagaxisada ee aan macnaha laheyn marna tabar darri iyo cabsi gelin uma keeni doonto Shacabka iyo Xukuumadda Belgium, ee waxa ay xoojin doontaa oo ay mideyn doontaa jawaab-celinta adduunka uu ka bixiyo falkaasi dambiga weyn ee argagaxiso “
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la leedahay Belgium xiriir laba geesood aad u xoogan , waxa aanu hiigsaneynaa iskaashi balaaran oo dhinacya badan leh oo labada dal dan wadaag u ah oo ay ka mid ah tahay amniga .


