Gaalkacyo-RisaalaFM- Nabadoonada ku nool Waqooyiga Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeyn ujeediyay Maamulka Mudug ee Puntland, waxaana eedeyntaasi ay la xiriirtaa in aysan waxba ka qaban dilalka ka dhaca gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Puntland.
Nabadoon Yaasiin C/samad ayaa fashil amni daro ku eedeeyay Maamulka Mudug ee Puntland, isagoo sheegay in maamulka gobolka Mudug uu shaqadiisa gabay.
Nabadoon Yaasiin C/samad ayaa sidoo kale maamulka gobolka Mudug ku canaantay amni darada ka jirta Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay qorshe amniga lagu sugayo in ay maamulka layimaadaan.
Gaalkacyo oo ku taala koonfurta Puntland waxaa Bishan Ramadaan gudaheeda ka dhacayay dilal qorsheysan iyo weerarro lugu beegsanayo mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo dad shacab ah.


