Baydhabo-RisaalaFM- Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isu soo dhiibitaanka Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu isku soo dhiibay Dowladda Federaalka.
Ciidamada koonfur Galbeed, Ciidanka xoogga dalka, iyo Ciidanka Itoobiya ayuu ugu horeyn uga mahadceliyay suurtagalnimada uu Abuu Mansuur isugu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay Shariif Xasan arrintan in ay tahay tallaabo wanaagsan oo guul ah inay tahay in Roobow aragtidiisa uu hadda kala hadlayo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray arrintan in ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed.
Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa shalay Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Muqdisho inuu ka baxay Ururka Al-Shabaab, muddo hadda laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood, hadana uu wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka dhankeeda waxay sheegtay in ay wada hadal kula jirto wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow, ayna u mahadcelineyso cid walba oo kaalin ka geystay wada hadalka Abuu Mansuur.


