South-Afrika-RisaalaFM- Burcad la rumeysan yahay in ay Koonfur Afrikaan yihiin ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku gubay Dukaankiisa oo ku yaalla magaalada Durban oo ka tirsan dalka Koonfur Afrika.
Weerarkan ayaa waxa uu dhacay fiidnimadii Isniintii xilli Dukaanka la weeraray uu shaqeynayay, burcada dilka geysatay ayaa Marxuumka ku amray in uu siiyo amaba uu sheego lacagta Dukaanka taalla.
Muran kadibna waxay ku shubeen shidaal (Patrol) ayay ku shubeen oo ay dab qabadsiiyeen, waxaana halkaasi ka soo gaaray dhaawac culus oo uu xalay u geeryooday.
Marxuumka ayaa waxaa Dukaanka kula sugnaa laba ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay u suuragashay in ay naftooda la baxsadaan.
Qofka geeryooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Jaliil Cali Xueen, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano magaala Durban.
Waa Soomaaligii Saddexaad bishan gudaheeda Koonfur Afrika lagu gubo, iyada oo tirada guud ee Soomaalida ah lagu dilay dalkaasi sanadkan ay gaareyso 30 qof.



