Nin Soomaali ah oo Taksiile ahaa ayaa waxaa habeenkii Arbacada aheyd lagu dilay magaalada Maliborne ee dalka Australia.
Maxamuud Mukhtaar oo da’diisu aheyd 31-sano jir ayaa si wuxuushnimo ah loo dilay markii ay mindi ku weerareen rag loo maleynayay in ay aheeyeen Tuugo xilli uu dhameystay shaqada uu ku jiray.
Kooxaha gar gaarka deg dega ah iyo ciidanka boliiska ayaa isku dayay in ay bad baadiyaan haseyeeshee waxa uu ku dhintay isla goobta.
Sarkaal uhadlay boliiska magaalada Maliborne ayaa sheegay in weerarka uu u muuqday mid lama filaan ah.
Waxaana uu sheegay in dad goob joogayaal ah ay arkayeen markii uu dilka dhacay nin dhalinyaro ah oo goobta ka cararaya.
C/laahi Bootaan oo ay saaxiibo ahaayeen ninka Soomaaliga ah ayaa sheegay in shaqsi fiican uu ahaa oo cidna aan dhib ugeysan jirin.
Waxa uu sheegay in geeridiisa ay argagax ku noqotay bulshada ku nool magaalada Maliborne ee dalka Australia.


