Iyadoo horey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose loo geeyay ciidamo laga kaxeeyay deegaanka Sabca Ashraaf ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in ciidankaasi ay ka mid ahaayeen ciidamada Bara Hiiraale.
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidankaasi hub ka dhigis lagu sameeyay laguna wareejiyay ciidamada AMISOM.
Ciidanka ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareyso 43 askari, waxaana markii Kismaayo la geeyay isku qabsaday ciidamada Kenya iyo Itoobiya oo labadooduba qeyb ka ah howlgalka AMISOM haseyeeshee ugu dambeyn waxaa ciidamadaasi gacanta ku dhigay Itoobiya, balse shir shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay in ciidamadan lagu wareejiyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa Idaacadda Risaaala uxaqiijiyay in ciidamadii Bare Hiiraale ee 43-dii ugu dambeysay loo bilaabay tababar ku aadan nidaamka ciidan.


