DHAGEYSO: Mucaarad iyo Muxaafad macnihiisa miyaan wali fahanay?

Soomaaliya waa dal iyo dad wada gob ah, sooyaalka hore ee Soomaaliduna ay ka marag kacday.

Mucaarid iyo muxaafidba dalka ayay wadaagaan.  Waana in labaduba ay ka shaqeeyaan dalka dhismihiisa iyo wanaagiisa, sidoo kalana ay si wadajir ah u ilaashadaan karaamadiisa, hannaankiisa dawladnimo ay sare u qaadaan, oo horumarkiisa habeen iyo maalinba u taagnaadaan.

Mucaaradku waa Muraayadda ay dowladdu iska dhex aragto, ee maahan mid u taagan xumeynta dowladnimada, waana u muhiim in uu ku ekaadaa, sixida qaladkii dhacay, iyo sida lagu xalinayo, isaga oo aan dowladnimada waxba u dhimin.

Xaq buu u leeyaahy Mucaaradku in uu fikirkiisa ku cabiro sida ay wax ula muuqdaan, waana kan kala taliya madaxda xilka haysa, halka ay wax ka qaldan yihiin, si loo saxo.

Haddaba Faalladdan waxaa noo diyaariyay Axmed Tifow Xasan